Xog ku Aadan Dhambaal Boqorka Sacuudiga soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Waxaa shalay magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Kattan, waxaana wasiirka kulan kula qaatay Madaxweyne Farmaajo garoonka Aadan Cadde.

Axmed Kattan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz , Madaxweynaha Soomaaliya ayaana gudoomay dhambaalka uu usoo diray Boqorka Sacuudiga.

Sida aan xogta ku heleyno Dhambaalka Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay Boqorka Sacuudiga ayaa ahaa martiqaad ku aadan in Madaxweynaha Soomaaliya kasoo qeyb galo  shir Sacuudiga ka dhacaya oo ay yeelanayaan dalalka ku yaala Badda Cas.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dooneysa in xoojiso saameynta ay ku leedahay Caalamka gaar ahaan wadamada Afrika, Sacuudiga ayaana damacsan sameynta Urur ay ku mideysan yihiin dalalka Badda Cas ayna qeyb ka tahay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -